Skip to main content
The Red Cross Emblem is a special protective sign
Login |  0 item(s): £ 0.00 Text size Sitemap Help
Advanced search
 

Sida aanu uga shaqayn doonno arrintaada

Sida aanu uga shaqayn doonno arrintaada

Dalkan Ingriiska

Wakiil ka tirsan British Red Cross ayaa ku faraxsanaan doona inuu kaa kaalmeeyo raadintaada. Marka aanu howsha billownno annagoo adiga ku matalayna, waxa lagu siin doonaa lambar la tixraaco si howshu ay si fiican u socoto. Waxtar ayay yeelan doontaa haddii aad isticmaasho lambarkan marka aad nala soo xidhiidho.

Waxanu kuu diyaarin doonnaa ballan aad nagula yeelato mid kastoo ka mid ah xafiisyadayada. Haddii aad u baahantahay kaalmo ku hadalka Af Ingriiskiga, waxad soo kaxaysan kartaa qof qaangaadh ah oo qoyskaaga ka tirsan, qof aad wada shaqaysaan ama qof aad saaxiib tihiin si uu kaalmeeyo. Waxanu isku dayi doonnaa inaanu diyaarinno tarjume ama af-celiye, haddii aad u baahantahay mid.

Waxa laga yaabaa inaad doorato inaad isticmaasho adeegyadayada adigoo maraya gar-yaqaan ama xarun talada laga bixiyo. Hadii ay sidaasi jirto, waxanu u baahannahay warqad awood bixin ah oo adiga kaa socota oo sheegaysa in gar-yaqaanku uu adiga kaa wakiil yahay.

Kadib marka aad nala soo xidhiidho, waxanu jawaab kugu soo diri doonnaa afar toddobaad gudahood. Haddii aan awoodno inaan ku kaalmaynno, waxanu ku wadi doonnaa inaanu si joogto ah kuu ogaysiinno waxa aanu qabanaynno.

Dibedda

Farriintaada ama codsigaaga raadinta waxa wax ka qabta ururada nala shaqeeya ee dibedda - meelaha ay colaaddu ka jirto waxa wax ka qabta Guddiga Caalamiga ah ee Red Cross (ICRC) meelaha kalena Ururrada kale ee Red Cross and Red Crescent (Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas).

Marka aad saxeexdo warqadda Farriinta ama Raadinta ee Red Cross waxad noo ogolaanaysaa inaannu faahfaahintaada u gudbinno ururradaas aanu shuraakada nahay, iyo qofka aad isku dayayso inaad la xidhiidho.

Marka aanu dib kuula soo xidhiidhno

Marka u horraysa ee aanu kuu haynno war, waanu kula soo xidhiidhi doonnaa.

Cidda aad la xidhiidhayso ayaa dooranaya inay doonayaan inay ku siiyaan cinwaankooda iyo in kale. Waxa aanu mar kasta xurmayn doonnaa go'aankooda.

Kuuma sheegi karro inta ay qaadaynso baadhitaanka ama raadintu.

London bus
Photo of two young girls and text: "Ethiopia Food Crisis – donate now"
AccessibilityContactLegalPrivacy
© British Red Cross 2009
British Red Cross, UK Office, 44 Moorfields, London EC2Y 9AL Phone: 0844 871 11 11. Fax: 020 7562 2000.
The British Red Cross Society, incorporated by Royal Charter 1908, is a charity registered in England and Wales (220949) and Scotland (SC037738).