Isku-talaabta Cas ee Biritishka “British Red Cross” adeegooda caalamiga ah ee raadinta iyo fariimaha ayaa ka shaqaynaa dhammaan adduunyada si aan u sugno oo u soo celinno xidhiidhada qoysasku marka ay ku kala tagaan (lumaan) dagaal, hirdanka siyaasadeed, aafooyinka dabiiciga ah ama qixitaanka. Haddii aad kala lunteen qoyskiina, waxa laga yaabaa inaan ku gargaarno.
Isku-talaabta Cas ee Biritishka “British Red Cross” waxay kuu gargaari kartaa siyaabaha soo socda:
Dhammaan adeegyadayadu waa bilaash oo waa asturan yihiin.
Isku-talaabta Cas ee Biritishka waxaa laga yaabaa oo kale inay awooddo in ay ku bixiso adeegyadaas marka ay jiraan xaalado kale oo bani’aadminimo, tusaale ahaan, haddii uu lumo xidhiidhka qof ehel ah oo weyn oo dibedda ku nool.
Haddii aad u malaynayso inaan ku gargaari karno, nala soo xidhiidh
Wakiilk ka socda Isku-talaabta Cas ee Biritishka ayaa ku farxi doonaa inuu wax kaala qabto baahidaada.
Haddii aanad ku hadlin Ingiriisiga xubin qoyska ah oo qaangaadh ah, saaxiib ama jaalle ayaa ku gargaari kara, ama waxaan isku-dayi karnaa inaan helno turjubaan.
Waxa lagu siin doonaa foom aad buuxiso. Waxaan u baahanahay wixii aad macluumaad na siin karto. Waan kaa gargaari karnaa buuxitaanka foomka.
Waxaanu u diri doonaa macluumaadkaas Isku-talaabta Cas ee Qaranka ama Jamciyadda Bisha Cas ee dalka aad u malaynayso inuu joogo qofka ehelkaaga ahi, ama Guddiga Caalamiga ah ee Isku-tallaabta Cas, ayaa iyaguna isku-dayi doona inay helaan. Awoodayada raaditaanka dadku waxay ku xidhan tahay xaaladda meeshaas, oo ay ku jirto nabadgalyada dalkaas.
Markaan macluumaad kuu helno, waan kula soo xidhiidhi doonaa laakiin kuuma sheegi karno muddada ay qaadanayso arrintu.
Contact your nearest Red Cross Office |