Find missing family - Somali

Hel qooyskii aad weeysay

Hel caawinaad ku saabsan qaraabadii aad weeysay ee qurbaha jooga iyadoo lala xiriirayo adeegga caalam ka-raadinta qooyska haddii uu idin kala kaxeeyay dagaal, masiibo dabiici ah ama haajirid.

Sida aan kuu caawini karno

Waxaa dhici karta inaynu awoodno inaan kaa caawinno:

  • helitaanka qooyskaagii aad weeysay
  • farriin loo diro qooyskaaga (hase ahaatee kuma jiraan lacag iyo xirmooyin alaab)
  • helitaanka shahaadada xabsiga (waa dadka ay soo booqdeen Guddiga Caalamka ee Laanqeerta Cas [ICRC] loona diiwaa geliyay maxbuus ahaan). 

Tani waa adeeg bani-aadamnimo oo lacag la’aan ah islamarkaana qarsoodi ah si’ looga caawiyo qooysaska inay dib u xiriiraan. Uma gudbin doonno macluumaadkaaga cid kale ilaa aad noo fasaxdo mooyee.

Yaan caawini karnaa

Waxaad isticmaali kartaa adeegeenna raadinta qooyska haddii ay adiga kuu suurto geli weeyday inaad la xiriirto qooyskaaga iyo haddii ay labada qodob ee hoos ku xusan ku saameeyaan:

  • adiga oo jooga waddanka UK
  • waxaa idin kala kaxeeyay dagaal, masiibo dabiici ah ama haajirid.

Waxaa dhici karta inaynu awoodno in duruufo kale dartood ku caawinno sida markay jirto baahi dhanka bani-aadminimada, tusaale ahaan haddii si’ kadis ah uu lumay xiriirkii aad la lahayd qof waayeel ah ood qaraabo tihiin qurbahana jooga.

Sida loo helo caawinaadda

Hel adeegga kuugu dhow ee raadinta qooyska

Waxaad la xiriiri kartaa adeegga kuugu dhow ee raadinta qooyska si’ aad ballan u qabsato.

Ballantaas waxaan ku weeydiin doonnaa su’aalo ku saabsan qofka aad qaraabada tihiin iyo halka aad is-leedahay wuu ku sugan yahay islamarkaana waxaan kaa caawini doonnaa buuxinta warqadda qoraalka warbixineed lagu qoro ama foomka. Haddii aadan ku hadli karin luqadda Ingiriiska waxaan kuu soo habeeyn karnaa qof tarjubaan ah.

Kuuma ballan qaadi karno inaan heleeyno qofka aad qaraabada tihiin hase ahaatee waxaan la xiriiri doonnaa asxaabteenna ku sugan waddankaas kaddibna waan kula socodsiin donnaa islamarkaan helno wax akhbaar ah.

Waxaad kaloo soo hubsan kartaa inay qooyskaaga ku raadinayaan adigoo sawirkaaga ku muujinaya barteenna intarneetka Raadi Wajiga website.

Haddii aadan ku nooleyn dalka UK

Haddii aadan isticmaali karin adeegeenna sababtoo ah kuma noolid dalka UK waxaad la xiriiri kartaa Laanqeerta Cas ama Bisha Cas ee dalkaaga.

Haddii uusan idin kala kaxeeyn dagaal, masiibo ama haajirid

Haddii aan ku caawini kari weeyno waxaa jira ururro kale oo awoodi kara inay ku caawiyaan.

Horey ma u isticmaashay adeeggaan? Fadlan noo sheeg natiijadaada (when form is available)