Get help as a refugee - Somali

Caawinaad hel markaad tahay qaxooti ama magan-gelyo-doon

Haddii aad tahay qaxooti, magangelyo-doon ama qof soo haajiray oo baylah ah, Laanqeerta Cas ee Ingiriiska waxaa dhici karta inay awooddo inay ku caawiso

Sidee baan kuu caawini karnaa

Waxaynu ka caawinnaa dadka qaxootiga ah, kuwa magangelyo-doonka ah iyo kuwa soo haajiray ee baylahda ah waxyaabaha ay deg-degga ugu baahan yihiin. Caawinaadda aynu fidinno waxay ku xiran tahay halka aad joogto. Waxaa ka mid ahaan kara:

  • cunto diyaarsan iyo foojarrada
  • lacag yaroo caddaan ah
  • dhar
  • saabuun iyo shaambo
  • bustayaal
  • alaabta ilmaha.

Waxaynu kuu fidin karnaa caawinaad dheeraad ah. Iyadoo ay ku xiran tahay duruufahaaga iyo halka aad ku nooshahay waxaa caawinaaddaas ka mid ahaan kara:

  • foojarrada lagu safro
  • talo-siin xagga manfaca iyo xirfadda
  • daryeel caafimaad – diiwaan-gelin Dhakhtar guud ama dhakhtarka ilkaha
  • annagoo kuu raaceeyna ballamaha
  • inaad la qabsato nolosha waddanka UK
  • jihayn – inaad barato xaafaddaada
  • taageero lagaa taageerayo xagga qalbiga
  • isku-keenidda qooyska
  • inaad la kulanto dadka kale.

Ogoow adeegga qaxootiga ee kuu dhoow

Markaad nala soo xiriirtid, qof ka mid ah hawlwadeennadeenna tababaran ayaa qiimeeyn doona waxaad u baahan tahay si’ loo ogaado inaynu ku caawini karno. Haddii aynu ku caawini kari weeyno, waxaan kugu xawili doonnaa ama kuu tilmaami doonnaa adeegga awoodi kara.

Haddii aadan ku hadli karin luqadda Ingiriiska waxaynu kuu qaban doonnaa qof tarjubaan ah.

Wax shaqo ah kuma lihin siyaasad ama diin, heey’adaha dawladdana wax adiga ku saabsan uma sheegi doonno, iyadoo cawiinaadeenna ay tahay mid lacag la’aan ah islamarkaana qarsoodi ah.

Sida loo isticmaalo adeegga aagaaga

Sida aad ku heli karto caawinaadeenna waxay ku xiran tahay halka aad joogto. La xiriir adeegga qaxootiga ee kuugu dhow si’ aad u ogaato haddii aad:

  • soo galeeysid (haddii ay tahay xarun la soo galo marka loo baahdo)
  • ballan qabsaneeysid
  • haddii aad u baahato inuu urur kale ku soo xawilo.

Hadda ka hor ma isticmaashay adeeggaan? Fadlan noo sheeg natiijada (when form is available).

Haddii si’ suuq-madow ah lagugu keenay

Waxaa laga yaabaa inaan ku caawini karno haddii aad tahay qof qaxooti ah ama qof magangelyo-doon ah oo si’ suuq-madow ah lagu keenay.

Adigoo helaya caawinaadda qofka qaxootiga ah la siiyo, waxaan kaloo ku siin karnaa taageerid iyo talo-siin ku saabsan waxa xiga ee aad ku dhaqaaqeeysid falkeeda iyo halka aad caawinaad dheeraad ah ka heli kartid haddii si’ suuq madow ah lagugu keenay.

Caawinaadda loo fidiyo dhallinyarada qaxootiga ah

Waxaad caawinaad ka heli kartaa qeeybo ka mid ah waddankaan UK haddii aad tahay qof qaxooti ah oo da’diisu tahay 15 jir ilaa 25 jir.

Caawinaad hel adigoo ah qaxooti dhallinyaro ah

Dib-u-kulmidda Qooyska (soo-nooleeynta isku-xirka qooyska)

Haddii aad qaxooti tahay waxaa laga yaabaa inaan kaa caawini karno inaad dib ula kulanto qooyskaaga:

  • caawinaad dhanka codsiyada fiisaha dal ku galka
  • soo habeeynta safarka diyaaradeed si’ ay qooyskaaga dib kuula kulmaan (taakuleeynta safarka ee qooyska dib-la isugu keenayo).

Qeeybo ka mid ah waddankaan UK oo qura ayaan kaa caawini karnaa dhinaca codsiga qooys isu-keenidda iyadoo uu waliba jiri karo liiska sugitaanka.

Waxaad la xiriirtaa [adeegga xaafaddaada] (link to refugee service listings search) si’ aad u ogaato inay fidiyaan caawinaad ku saabsan qooys isu-keenidda iyo in kale.

Akhri qoraalka Laanqeerta Cas ee Ingiriiska oo ka hadlaya isu-keenista qooyska.